Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in la bilaabay hawlgal ka dhan ah Iran

0
367

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu “hawlgallo dagaal oo waaweyn” ka bilaabay Iiraan ka dib markii Israa’iil ay sidoo kale sheegtay inay gantaallo ku weerartay dalkaas.
Qaraxyo badan ayaa laga maqlay caasimadda Iiraan, Tehran, halka sidoo kale qaraxyo laga soo sheegay dhowr meelood oo kale oo dalka Iran ah.