Madaxweynaha dalka oo sheegay in aynan dhici doonin dilal sharci darro ah

0
223

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in inta uu wadanka hoggaaminaya aynan dhici doonin dilal si sharci darro ah loo fuliyo iyo shakhsiyaad qaab siyaasadeysan looga takhaluso.
Arrintan ayuu maanta ka sheegay munaasabaddii aaska meydka taliyihii guud ee ciidamada militariga dalka General Francis Ogolla oo lagu qabtay dugsiga hoose dhexe ee Senatar Obama K’Ogello ee ismaamulka Siaya.
William Ruto ayaa qiray in ay jireen kenyaan badan oo loo dilay si aan sharci ahayn.
Madaxweynaha ayaa xusay in hadda ka dib aynan dhici doonin in meydad laga helo webiga River Yala.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan qabyaalad loo adeegsan doonin in lagu maamulo siyaasadda wadanka.
Waxaa uu ku celceliyay in qof kasta oo kenyaan ah uu fursad siman u heli doono inuu shacabka u adeego haddii uu u qalma iyadoo aan la eegayn qabiilkiisa iyo garabka siyaasadeed ee uu taabacsan yahay.
William Ruto ayaa si cad u sheegay in uunan jirin xil gaar u ah koox , jaaliyad ama gobol maadaama sida uu hadalka u dhigay aan Kenya wada leennahay.