Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeya Kenya iyo Shiinaha uu yahay mid wanaagsan oo wax wada qabsi ku saleysan.
Ruto ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu ka jawaabayay in caawimaadda uu Shiinaha siiyo dalalka Afrika ay ku tahay deyn culus.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waddamadan ay xukuumadda Beijing kala xaajoodaan mashaariicda si cadaalad ah oo isku dheelli tiran looga wada faa’iidaysan karo.
William Ruto ayaa xusay in deymaha ugu badan ay yihiin kuwa ay bixiyaan bangiga adduunka , Maraykanka, Midowga Yurub, sanduuqa caalamiga ee lacagaha ee IMF iyo hay’ado kale.
Waxaa uu ku celceliyay inay muhiim tahay in qaaradda Afrika ay dib u eegis ku sameyso xiriirka kala dhexeya dunida inteeda kale.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in hoggaamiyaasha waddamada Afrika ay go’aansadeen in cid kasta oo la macaamilaysa ay adeegsato nidaam qaabeysan oo ku saleysan ixtiraam iyo wax wada qabsi.




