Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta khudbad ka jeediyay shirka magaalada Rome ee u dhexeya dowladda Talyaaniga iyo waddamada qaaradda Afrika ayaa caalamka ugu baaqay inuu maalgelin ballaaran ku sameeyo tamarta la cusbooneysiin karo iyo kheyraadka dabiiciga ah.
Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ku ammaanay qaabka ay u wajahaysa caqabadaha caalamiga ah.
William Ruto ayaa bogaadiyay qorshaha dowladda Talyaaniga ee loo yaqaano Mattei Plan si gaar ah inuu xoogga saaraya badqabka tamarta Afrika iyo dalalka Mediterranean-ka.
Madaxweyne William Ruto ayaa shirkaasi uga qayb galaya mansabkiisa guddoomiyaha guddiga hoggaamiyaasha dalalka Afrika ee isbeddelka cimillada ee (CAHOSCC).
Waxaa uu khudbadiisa maanta diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay in laga gudbo adeegsiga waxyaabaha hawada wasaqeeya oo loo wareego isticmaalka tamarta la cusbooneysiin karo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda Kenya ay ballan qaaday in marka la gaaro sanadka 2050-ka baaxadda tamarta la cusbooneysiiyo oo hadda ah 3 Giga Watts la gaarsiin doono ilaa 100 Giga Watts.
Madaxweyne William Ruto oo ka hadlayay caqabadaha ka jiro qaaradda Afrika ayaa sheegay in ilaa 600 oo milyan oo qof oo ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha aynan haysan koronto.
Ruto ayaa sheegay in helidda tamar la isku halleyn karo ay tahay riyo ay aad u fog tahay in ay dadkan u rumowdo.
Waxaa uu ku baaqay iskaashiyo laga wada faa’iidaya.
Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale dowladda Talyaaniga ku boorriyay inay si firfircoon uga qayb gasho madal maalgashi oo ay martigelin doonto wakaaladda caalamiga ee tamarta la cusbooneysiiyo ee IRENA si loo sameeyo dadaallo iskaashi oo loo helo fursado cusub.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto oo ka hadlayay arrimaha deymaha ayaa sheegay in waddamada qaaradda Afrika ay qarashaad ilaa shan mar ka badan dalalka kale ku bixiyaan amaahda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay qasab tahay in la dardargeliyo tallaabooyinka wax looga beddelaya heykalka maaliyadeed ee caalamka.