Madaxa waaxda adeegga dadweynaha oo dhakhaatiirta uga digay musuqmaasuqa

0
274

Madaxa waaxda adeegga dadweynaha dalka sidoo kalena ah madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada wadanka Felix Koskei ayaa howlwadeennada caafimaad u diray digniin ah inaynan ku lug lahaan falalka musuqmaasuqa.
Tani ayuu xusay inay dhaawacaysa sumcadooda iyo horumarka dhaqaale ee dalka.
Mr. Koskei ayaa arrinkan ka sheegay shirka caafimaadka guud ee (UHC) ee lagu qabtay ismaamulka Kericho.
Waxaa uu ku celceliyay in si wayn loogu baahan yahay xoojinta wada shaqeynta labada heer ee dowladda si loo xalliyo caqabadaha dhanka caafimaadka ee jira.