Waxaa maanta oo isniin ah la filaya in ay yaraadaan roobabkii cuslaa ee dalka ka da’ay maalmihii la soo dhaafay sida ay sheegtay waaxda saadaashada hawada ee Kenya.
Tana ayaa imaanaysa iyadoo walaac xoogan laga muujiyay fatahaadihii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee dallka oo dhan ka da’ay.
In ka badan 28 qof ayuu noloshooda galaaftay roobabka.
Daadad xoogan ayaana ka dhashay roobkii ka da’ay caasimada Nairobi iyo guud ahaan Qaranka.
Isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga ayuu saameyn adag ku yeeshay roobka.
Kenyaanka ayaa wali lagula talinaya in ay taxaddar dheeraad ah ka muujiyaan daadad kale.
Laga soo bilaabo Seddaxdii bishan March ilaa maanta oo ku beegan sagaalka Bishan ayaa horey loo saadaaliyay in ay dalka ka da’i doonaan roobab culus iyadoo bilawga usbuucan ay hoos u dhici doonaan roobabka la saadaaliyay.




