Maamulka maareynta kheyraadka biyaha ee (WRMA) ayaa sheegay in laga cabsi qabo fatahaado dheeraad ah.
Tani ayuu maamulka u aaneeyay in biyo xireennada toddobada ah ee Seven Forks Dams ay qarka u saaran yihiin in ay buuxsamaan maadaama ay weli da’ayaan roobab culus.
Maamulkan ayaa sheegay in biyo xireennada Masinga, Kamburu, Gitaru, Kindaruma iyo Kiambeere ay biyo badan uga yimaadeen dhanka Mt.Kenya iyo Abardare.
Madaxa fulinta ee maamulkan , Maxamad Mowliid Shuuriye ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la bixiyo amar lagu daadgureynaya dadka ka ag-dhow ilaha biyaha.
Dhanka kale Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross Society ayaa sheegtay in ka dib musiibadii ka dhacday Mai Mahiu oo ka tirsan Nakuru weli la la’yahay 76 qof.
Waxaa la soo badbaadiyay 110 qof.




