Wasiirrada arrimaha dibadda ee 19 dal, oo ay ku jiraan Turkiga, Qadar, Faransiiska iyo Baraasiil, ayaa saxiixay bayaan wadajir ah oo ay ku cambaareynayaan tallaabooyinka Israa’iil ee lagu ballaarinayo laguna adkeynayo xakamaynta ay ku hayso dhulka Falastiiniyiinta.
Bayaanka oo soo baxay habeenkii Isniinta, kana soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, ayaa qorshaha Israa’iil ee lagu bilaabayo diiwaangelinta dhulka ee Daanta Galbeed ee la haysto ku tilmaamay mid si dadban loogu darayo dhulkaas Israa’iil. Qorshahan ayaa suuragelinaya in dhul laga qaado Falastiiniyiinta aan awoodin inay caddeeyaan lahaanshahooda.
Dalalka saxiixay bayaanka ayaa waxaa ka mid ah Sacuudi Carabiya iyo Masar, iyo sidoo kale madaxda Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka. Waxaa ay sheegeen in tallaabooyinkan ay dib u kala saareyaan dhulka Falastiiniyiinta si loogu aqoonsado dhul ka mid ah kan ay haatan yahuudu sheegato, ayna dedejinayaan ballaarinta deegaannada sharci darrada ah isla markaana ay sii xoojinayaan maamulka Israa’iil ee halkaas ka jira.
Qorshahan oo la saxiixay 15-kii bishan Febraayo ayaa lagu fulin doonaa Aagga C, oo ka kooban ku dhowaad 60 boqolkiiba dhulka Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay hay’add la socota deegaannada sharci darrada ah. Tallaabadan ayaa sare u qaadday walaaca caalamiga ah ee ku aaddan mustaqbalka dhulka Falastiiniyiinta iyo suurtagalnimada xal waara oo laga gaaro colaadda.




