Khasaaraha shilkii Shiinaha oo sii kordhay

0
283

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay shil laga soo tabiyay dalka Shiinaha.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen ugu yaraan 19 qof halka dhaawaca uu yahay 20.
Shilka ayaa ka dhacay degmada Nanchang ee bariga gobolka Jiangxi.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay wax yar un ka hor 1-dii habeenimo ee saacadda dalkaasi Shiinaha.
Iyadoo dhaawaca la geeyay isbitaallada si loo daaweeyo ayaa waxaa dhanka kale billowday baaritaano ku aaddan sababta keentay in mid ka mid ah baabuurta xamuulka uu ku dhaco gaari siday dad aas ka qayb geli rabay.
Shiinaha ayaa waxaa ku badan shilalka waddooyinka oo loo aaneeyo in aan si buuxda loo dhaqangelin xeerarka badqabka iyo kala hagidda gaadiidka.
Bisii Sagalaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii bas shil ku galay gobolka Koonfurta Galbeed ee Guizhou ee Shiinaha ay ku dhinteen 27 qof oo rakaab ah.