Kenya oo ciidamo dheeraad oo booliis ah geysay Haiti si ay u xakameeyaan kooxaha burcadda ah

0
22

Kenya ayaa Isniintii boqolaal sarkaal oo booliis oo dheeraad ah geysay Haiti si ay u bedelaan kuwa howlgalkooda dhamaaday, iyagoo doonaya inay cadaadis saaraan kooxaha burcadda ah ee jasiiradda iyadoo dhibaatada siyaasadeed iyo amni ee dalka ka jirta ay sii socoto si aan kala go ‘lahayn.
Kooxaha dambiilayaasha ah ayaa muddo dheer burburiyay Haiti, taasoo keentay rabshado iyo xasillooni darro ka sii dartay tan iyo horraantii 2024-kii markii ay ku qasbeen raa’iisul wasaarihii xilligaas Ariel Henry inuu is casilo.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in kooxaha hubaysan ay hadda maamulaan 90 boqolkiiba caasimadda Port-au-Prince, halkaas oo dilal, kufsi, dhac iyo afduubyo ay ku badan yihiin xasillooni darro siyaasadeed oo daba dheeraatay.
Si loo caawiyo booliiska Haiti ee burcadda ka adkaatay, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sannadkii 2023-kii waxaa uu ansixiyay in loo diro howlgal amni oo caalami ah dalka oo ay hoggaaminayso Kenya.
230 sarkaal oo booliis Kenya ah ayaa Isniintii shalay ahayd gaaray Haiti halka 100 kale ay soo afjareen howlgalkooda, sida ay ilo-wareed ka tirsan dowladda Haiti u sheegeen wakaalada wararka ee AFP.