Madaxweyne ku xigeenka Shiinaha ayaa ku sugan Kenya ,isagoona halkan ku qaadan doona booqasho qaran oo afar maalmood ah.
Han Zheng waxaa ku soo dhaweeyay JKIA wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Qurbajoogta Musalia Mudavadi.
Booqashada waxaa ku jiri doonta iskaashiyo laba geesood ah oo loogu talagalay xoojinta iskaashiga qaybaha muhiimka ah, kor u qaadista ganacsiga iyo maalgashiga, iyo sii xoojinta Iskaashiga Istaraatiijiyadeed ee Dhammaystiran ee u dhexeeya Kenya iyo Shiinaha.
“Booqashada Zheng waxay ka tarjumaysaa xiriirka xooggan iyo kan wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga labada dhinacba faa’iido u leh”, ayuu yiri Mudavadi.




