Dowladaha Kenya iyo Maraykanka ayaa maanta ku heshiiyay inay sare u sii qaadaan xiriirkooda dhanka ganacsiga iyo maalgashiga.
Waxay si gaar ah uga wada shaqeynayaan arrimaha beeraha ,dhaqamada xakameynta , xuquuqda iyo badbaadinta shaqaalaha.
Tani ayaa timid ka dib kulan ay yeesheen kooxo matalaya Kenya iyo Maraykanka oo qaabilsan iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ganacsiga iyo maalgashiga.
Waxaa kulanka si wadajir ah u guddoominayay wasiiradda ganacsiga ee dalka Rebecca Miano iyo safiirka Maraykanka ee Kenya Ambasadoor Meg Whitman oo garab ka helaya madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi.
Wasiiradda ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha ee dalka Rebecca Miano ayaa sheegtay in ujeedkoodu uu yahay in la horseedo horumar dhaqaale , amni, ilaalinta xuquuqul aadanaha iyo mabaadii’ida dimuqraadiyadeed.
Waxay intaasi ku dartay in wada xaajoodyada qabsoomay ay gogol-xaar u yihii iskaashiyo dheeraad oo ay yeelanayaan labada dowladood.
Miano ayaa xustay in Kenya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhexeya Maraykanka .
Mas’uuliyiinta ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in iskaashigan uunan ku koobnaan tixgelinta dano dhaqaale oo keliya.




