KeNHA oo war ka soo saartay waddooyiinka aan la mari karin

0
590

Hay’adda Waddooyinka Qaranka ee Kenya (KeNHA) ayaa ku boorinaysa darawallada inay taxaddar muujiyaan marka ay ku socdaan wadada Mai Mahiu-Suswa ee Narok ka dib roobab xooggan oo qaybo ka mid ah wadada ka dhigay carro, taasoo carqaladeysay socodka gaadiidka.
Ogeysiis la soo saaray Sabtida maanta ah, KeNHA waxay sheegtay in qaybta ku taal Kedong Ranch oo u dhow Suswa ay daadadku saameeyeen, iyadoo kooxo ay hadda ka shaqeynayaan sidii loo nadiifin lahaa wadada loona soo celin lahaa dhaqdhaqaaqa gaadiidka.
Agaasimaha Guud ee KeNHA Luka Kimeli ayaa ku boorriyay darawallada inay ka fogaadaan inay maraan meelaha daadadku ku fataheen oo ay si adag u raacaan tilmaamaha saraakiisha booliiska iyo hay’adaha taraafikada ee ku sugan wadada si looga hortago in gawaarida ay ku xayirmaan meelaha carrada leh.
Gawaarida aan weli bilaabin safarradooda ayaa lagula taliyay inay ka fiirsadaan inay isticmaalaan Wadada Ngong iyo Suswa.
Hay’addu waxay ka digtay in roobabka culus ee sii socda ay sii xumeyn karaan xaaladaha wadada, gaar ahaan inta u dhaxaysa Naivasha iyo Suswa Ranch .
KeNHA waxay sidoo kale u xaqiijisay dadka isticmaala waddooyinka inay ka shaqeyneyso saacad kasta si ay u furto qaybta ay dhibaatadu saameysey iyo inay hubiso badbaadada dhammaan darawallada.