Jakaya Kikwete oo loo magacaabay wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika

0
792

Madaxweynihii hore ee Tanzania Jakaya Mrisho Kikwete, ayaa loo magacaabay Wakiilka Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in Kikwete uu taageeri doono dadaallada Midowga Afrika ee lagu xallinayo xaaladaha adag ee siyaasadda, nabadda, iyo amniga ee gobolka, isla markaana uu xoojin doono hababka iskaashiga gobolka si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta.
Wakiilka Sare ayaa la shaqeyn doona hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah sida Urur Goboleedka (IGAD), Bulshada Bariga Afrika EAC, Midowga Carabta, Qaramada Midoobay, iyo la howlgalayaal kale, si loo hubiyo isku xirnaan, wax ku oolnimo, iyo wadajir loogu gaaro nabad, xasillooni, iyo amni. Khibradiisa iyo hoggaamintiisa ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaarto horumarinta nabadda iyo barwaaqada gobolka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.