Qaraxyo waa weyn ayaa laga maqlay gudaha magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran, iyadoo Qiiq madow uu cirka isku shareeray, sida ay baahiyeen Warhaahinta Iran.
Tan ayaa imaanaysa iyadoo saaka Israa’iil ay weeraro culus ku bilaabeen gudaha Iran.
Wasiirka Difaaca ISRL Katz ayaa waxaa uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay guud ahaan ISRL.
Safaaradda Mareykanka ee Qatar ayaa hirgelisay hoy loogu talagalay dhammaan shaqaalaha, iyadoo ku talineysa in dhammaan muwaadiniinteeda ay sidaas oo kale sameeyaan ilaa amar dambe.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Israa’iil ay weerar ku qaadday Iiraan Sabtidii.
Xaalada Bariga Dhexe oo markale dagaal ka bilowday




