Israa’iil oo sheegtay in 179 qof ay dhaawacmeen 24-kii saac ee la soo dhaafay

0
733

Wasaaradda Caafimaadka Israa’iil ayaa sheegtay in 179 qof ay dhaawacmeen 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo badankood xaaladoodu tahay mid fudud. Tiradan dhaawacyada ah ayaa tirada guud ee dadka ku dhaawacmay Israa’iil tan iyo bilowgii dagaalka gaarsiisay 2,745 qof.
Dhanka kale, toddoba qof ayaa ku dhaawacmay, laba ka mid ahna ay qawaan dhaawacyo daran, weerar ka dhacay magaalo warshadeed oo ku taalla gobolka Arak ee Iiraan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Mehr.
Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga ayaa sheegtay in gantaal uu ku dhacay saldhig milatari oo Talyaani ah oo ku yaalla Erbil ee gobolka Kurdistan fiidnimadii xalay, balse aysan jirin wax dhaawac ah. Wasiirka Gaashaandhigga Guido Crosetto ayaa la xiriiray saraakiisha milatari ee sare ka dib dhacdadan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani ayaa sheegay in la xaqiijiyay in ciidamada dhammaantood ay nabad qabaan.