Militariga Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah saraakiisha qalabka sida looga dilay Koonfurta Qaza ee dalka Falastiin.
Waxaa ay dhaawacyo culus soo gaareen saddex kale.
Askariga laga dilay Israa’iil ayaa da’diisa lagu sheegay 20 sano.
Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa laga soo xigtay in tan iyo markii ay Israa’iil billowday duullaanka dhanka dhulka ee Qaza inay ka dhinteen 191 sarkaal oo militari ah, halka laga dhaawacay 1,178.




