Israa’iil oo mar kale duqeysay isbitaalka Nasser ee magaalada Khan Younis

0
394

Israa’iil ayaa mar kale duqeysay isbitaalka Nasser ee Khan Younis, xilli ay sii ballaarineyso duullaanka dhulka ee koonfurta Gaza, halkaasoo ay ku dishay ugu yaraan lix falastiiniyiin ah ee magaalada koonfureed.
Ugu yaraan 23 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay guud ahaan Gaza tan iyo waaberigii saaka ka dib markii militariga Israa’iil ay qaadeen weerar ballaaran oo dhulka ah habeenimadii xalay.