Isbitaalka King Fahd oo sameeyay qalliin taariikhi ah ee ugu horreeyay ee kansarka kelyaha

0
451

Dhakhaatiirta caafimaadka ee Isbitaalka King Fahd ee ismaamulka Lamu ayaa si guul leh u sameeyay qalinkii ugu horeeyay ee kansarka kelyaha ee loo yaqaano laparoscopic radical nephrectomy, taasoo ah guul weyn oo laga gaaray daryeelka qaliinka ee gobolka.
Nidaamka ayaa markii ugu horeysay lagu sameeyay bukaan 65 sano jir ah oo dhawaan laga helay kansarka unugyada kelyaha.
Qalliinka oo uu hoggaaminayo dhaqtarka kaadimareenka ee isbitaalka, Dr Cumar Bin Salmaan, ayaa ah qalliinkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo lagu sameeyo gudaha nidaamka daryeelka caafimaadka dadweynaha ee Lamu.
Qalliinkan ayaa markii hore waxaa laga heli jiray magaalooyinka waaweyn sida Mombasa halkaas oo ay ku bixi jirtay in ka badan 450,000 oo shillin halka qalliinka Lamu ay ku baxday 180,000 oo kaliya.
Dhakhaatiirta ayaa waxaa ay xuseen in kharashka oo dhan uu bixiyay Sanduuqa Caymiska Caafimaadka Bulshada ee (SHIF), taas oo u oggolaanaysa bukaanka inuu helo daaweyn gaar ah oo aan kharash shakhsi ah lahayn.
Saraakiisha caafimaadka ee Lamu ayaa bogaadiyay guushan oo ay ku tilmaameen in ay tahay isbedel dhanka daryeelka caafimaadka ah ee gobolka.
Dr Mbarak Bahjaj, oo ah Wasiirka Caafimaadka ee dowlad deegaanka Lamu, ayaa sheegay in habka guusha leh uu muujinayo saameynta maalgashiyadii dhawaa ee kaabayaasha qalliinka.
Qalliinka ayaa lagu sameeyay Tiyaatarka la cusboonaysiiyay ee Isbitaalka King Fahd, oo qayb ka ah hindisaha ballaaran ee Ismaamulka Lamu ee lagu horumarinayo helitaanka adeegyo caafimaad oo horumarsan.
Gudoomiyaha Lamu Ciisa Timamy ayaa sheegay in xaruntan ay u keeni doonto gargaar ay aad ugu baahnaayeen bukaanada oo markii hore adeegyo la mid ah ugu safri jiray Mombasa.