Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ee IRGC ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay ka faa’iidaysanayso xaaladaha dagaal si ay u fuliso waxa ay ku tilmaameen xadgudubyo ballaaran oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee ku sugan Lubnaan iyo Falastiin. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in weerarradaas ay si gaar ah u saameeyeen dadka aan hubeysneyn, iyagoo ku tilmaamay falal ka dhan ah bani’aadantinimada.
Ciidankan ayaa sidoo kale muujiyay in haddii weerarradaas ay sii socdaan, ay qaadi doonaan tallaabooyin militari oo culus oo ka dhan ah Israa’iil. Waxaa ay tilmaameen inay beegsan doonaan ciidamada Israa’iil ee ku sugan waqooyiga dalkaas iyo meelaha u dhow Qaza, iyagoo adeegsanaya gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
Warbaahinta rasmiga ah ee dowladda Iiraan ayaa sheegtay in weerarradan loo fulin doono si aan xaddidnayn haddii xaaladda ay sidaas ku sii socoto. Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xiisadda gobolka ay sii kordhayso, islamarkaana ay jirto cabsi laga qabo in dagaalka uu ku fido dalal kale oo ku yaalla Bariga Dhexe.
Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka Israa’iil ayaa sheegtay in ilaa hadda 4,829 qof ay ku dhaawacmeen dagaalka.




