In ka badan 243 arday iyo macallimiin oo ku dhintay Iiraan tan iyo bilowgii dagaalka

0
431

Wasaaradda Waxbarashada Iiraan ayaa sheegtay in ugu yaraan 243 arday iyo macallimiin ay dhinteen tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday 28-kii Febraayo.
Dhanka kale, Xisbullah ayaa shaacisay inay joojisay diyaaraddii dagaal oo Israa’iil leedahay xalay, ka hor inta aysan fulin weerar lagu qaadi lahaa Koonfurta Lubnaan, ka dib markii gantaallo lagu bartilmaameedsaday. Israa’iil weli kama aysan hadlin arrintan.
Warbaahinta rasmiga ah ee Lubnaan ayaa sheegtay in weerarrada Israa’iil ay dileen ugu yaraan lix qof magaalo iyo xero qaxooti oo ay ku sugnaayeen Falastiin ah oo ku taal koonfurta Sidon, halka saddex kalena ay ku dhinteen magaalo kale.
Iyada oo laga soo xiganayo Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan, afar qof ayaa lagu dilay duqeyn Israa’iil ay ku qaaday magaalada Adloun, labo kalena waxaa lagu dilay weerar ka dhacay guri ku yaal xero qaxooti oo ku taalo Mieh Mieh, iyadoo afar kalena ay ku dhaawacmeen. Meel kale oo ku taala Koonfurta Lubnaan duqeyn ka dhacday tuulada Habboush ayaa sababtay dhimashada ugu yaraan saddex qof iyo dhaawaca 18 kale.