IEBC oo shaacisay miisaaniyadda diiwaangelinta joogtada ah ee codbixiyeyaasha ka hor hirgelinteeda guud

0
422

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee IEBC ayaa shaaciyay miisaaniyad dhan hal bilyan oo shillin oo loogu talagalay diiwaangelinta joogtada ah ee codbixiyeyaasha, ka hor hirgelinta howlgalka guud ee dalka oo dhan.
Xubnaha guddiga ayaa sheegay in lacagtan lagu fulin doono olole diiwaangelin ah oo socon doona 30 maalmood, kaas oo lagu beegsanayo dhammaan muwaadiniinta u qalma inay isdiiwaangeliyaan. Waxaa sidoo kale la diyaariyay shaqaale ku filan si loo hubiyo in howlgalkaas u socdo si habsami leh, iyadoo la adeegsanayo xeelado kala duwan oo ay ku jiraan in dadka guryahooda loo tago si loo gaaro tiro badan oo codbixiyeyaal ah.
Guddiga ayaa sidoo kale caddeeyay habraaca loogu talagalay dadka doonaya inay beddelaan goobaha ay ka codeynayaan, iyagoo tilmaamay in qofka uu si toos ah uga soo xaadiro deegaankiisa cusub si loo xaqiijiyo xogtiisa, loogana hortago khaladaad iyo is diiwaangelin aan sax ahayn.