Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo dalbaday isla xisaabtan ka dib fatahaadaha Nairobi ee sababay dhimasho iyo burbur

0
502

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa dalbaday tallaabo degdeg ah iyo isla xisaabtan ku aaddan mas’uuliyiinta ka dambeysa fashilka nidaamka bullaacadaha iyo diyaar garowga musiibooyinka ee Nairobi, ka dib fatahaado ba’an oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo qoysas badan oo ku go’doonsan caasimadda. Hoggaamiyeyaasha, oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa dhaliilay dowladda iyagoo sheegay in jawaabaha la bixiyay ay yihiin kuwo dib u dhac ah, halka digniino hore la iska indho tiray.
Gachagua ayaa sheegay in musiibadan la yareyn karay haddii la sameyn lahaa qorshe hore iyo dadaal joogto ah oo ay sameeyaan hay’adaha mas’uulka ka ah. Waxaa uu muujiyay murugo ku aaddan dadka ku dhintay iyo hantida ku burburtay fatahaadaha, isagoo tacsi u diray qoysaska ay saameeyeen.
Hoggaamiyaha xisbiga Democracy for Citizens Party (DCP) ayaa sidoo kale ku baaqay in gargaar degdeg ah oo wax ku ool ah la gaarsiiyo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen, isagoo sheegay in tallaabooyinka dowladda aysan ku ekaan hadallo iyo ballanqaadyo. Waxaa uu carabka ku adkeeyay in dowladda daryeesha shacabka ay tahay inay si buuxda u adeegsato dhammaan awooddeeda iyo kheyraadkeeda si ay u ilaaliso nolosha iyo hantida dadka.
Gachagua ayaa sidoo kale ku baaqay qorshe fog oo tixgelinaya kororka magaalooyinka iyo saameynta isbeddelka cimilada. Waxaa uu sheegay in khubarada loo baahan yahay inay door muuqda ka qaataan qorsheynta mustaqbalka si loo helo xalal waara. Dhanka kale, hoggaamiyaha Xisbiga People’s Liberation Party (PLP) Martha Karua ayaa tacsi u dirtay shaqaale ka tirsanaa Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya oo ku dhintay howl samatabbixin ah oo ka dhacday webiga Mbagathi toddobaadkii hore.