Ciidamada booliiska ee ismaamulka Homa Bay ayaa xaqiijiyay inuu geeriyooday mid ka mid ah wadeyaasha mootada ka dib shil ka dhacay aagga Misambi ee waddada xiriirisa Oyugis iyo Katito ee deegaanka Bariga Rachuonyo .
Waxaa ay dhaawacyo culus soo gaareen qof rakaab ah oo uu mootada ku siday.
Shilka ayaa loo aaneeyay cillad farsamo oo ku timid dhugdhugleyda taasi oo keentay in wadaha uu xakameyn waayo ka dibna uu ku dhacay baabuur xamuul oo la baakimay.
Taliyaha booliiska ee deegaanka Bariga Rachuonyo ,Laban Omol ayaa xaqiijiyay in wadaha mootada uu isla goobta ku geeriyooday.
Qofka dhaawacmay oo haweeney ah ayaa la geeyay isbitaalka Okita ee degmada Kadongo si loo daaweeyo.
Omol ayaa gaadiidleyda ku boorriyay in ay xaqiijiyaan in baabuurtooda iyo mootooyinkooda ay tayo ahaan wanaagsan yihiin si looga baaqsado shilalka noocani ah.
Meydka qofka shilka ku nafwaayay ayaa la dhigay qaybta meydadka ee isbitaalka Okita .




