Guddoomiye Orengo oo sheegay in shaqaalihiisa la xiray ka hor booqashada madaxweyne Ruto ee Siaya

0
449

Barasaabka dowlad deegaanka Siaya James Orengo, ayaa dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo dhowr xubnood oo ka tirsan shaqaalihiisa oo uu sheegay in lagu xiray Siaya iyo Nairobi, ka hor booqashada la qorsheeyay ee Madaxweynaha dalka William Ruto uu ku tagayo ismaamulkaas. Qoraal uu soo saaray fiidnimadii Sabtida ayuu Orengo ku eedeeyay booliiska inay sameeyeen xarig sharci darro ah oo la xiriira diyaarinta booqashada madaxweynaha.
Orengo ayaa xariga ku tilmaamay mid ka hor imaanaya dastuurka, isagoo ku baaqay in shaqaalihiisa si degdeg ah loo sii daayo. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Axadda maanta ah ka qeyb galo munaasabad mahadnaq ah oo loo qabanayo Xoghayaha joogtada ah ee Adeegyada Caafimaadka Dr. Ouma Oluga, taas oo ka dhici doonta Dugsiga Hoose ee Okela ee deegaanka Uyoma.
Xariga la sheegay ee shaqaalaha Orengo ayaa imanaya iyadoo xiisad siyaasadeed ay ka dhex taagan tahay xisbiga Orange Democratic Movement (ODM). Orengo ayaa ka mid ah siyaasiyiinta si cad u dhaliilaya isku soo dhowaanshaha siyaasadeed ee la sheegay inuu ka dhex jiro xisbiga ODM iyo xisbiga talada haya ee United Democratic Alliance (UDA) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ruto.
Guddoomiyaha Siaya ayaa sidoo kale qayb ka ah garabka Linda Mwananchi ee xisbiga ODM, oo uu hoggaamiyo Senator-ka Nairobi Edwin Sifuna, kuwaas oo diidan wada shaqeyn dhow oo lala yeesho dowladda. Orengo ayaa sidoo kale ku eedeeyay qaar ka mid ah hoggaanka xisbiga inay wadaan qorshe lagu doonayo in ODM lagu daro UDA ka hor doorashada guud ee sannadka 2027, isagoo sheegay in isaga iyo taageerayaashiisq ay ku sii jiri doonaan xisbiga si ay uga difaacaan jihada ay u arkaan mid khaldan.