Guddoomiyaha baarlamaanka oo baaq u diray wasaaradda waxbarashada

0
281

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta, Moses Wetangula ayaa wasaaradda waxbarashada ee dalka kula taliyay inay maadooyinka lagu barto jaamacadaha ku soo kordhiso culuunta arrimaha deegaanka.
Tani ayuu sheegay inay kaalin ka qaadan karto la tacaalidda saameynta ba’an ee isbeddelka ku yimaada cimillada.
Wetangula ayaa xusay in jaamacadaha ay muhiimad u leeyihiin ololaha ka dhanka ah isbeddelka cimillada.
Waxaa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in xarumaha sare ee tacliinta lagu taageero inay sameeyaan cilmi baaris iyo hal-abuur looga gaashaamanaya saameynta isbeddelka cimillada.
Sidoo kale waxaa uu soo jeediyay in la tixgeliyo baaqii madaxweynaha wadanka William Ruto ee ahaa in lagu dadaalo in muddo 10 sano gudaheeda ah la abuuro 15 bilyan oo geedo ah.
Guddoomiyaha baarlamaanka ee dalka ayaa baaqan diray xilli uu marti sharaf ka ahaa xafladdii 23-aad ee ay ku qalinjabinayeen ardayda jaamacadda Mount Kenya.