Ganacsade soomaaliyeed oo dhawaan la afduubtay oo la helay

0
658

Waxaa la helay isagoo badqaba Cabdi Caydiid Cali oo usbuucyo ka hor laga afduubtay isgoyska Shauri Moyo ee deegaanka Kamkunji.
Qoyska Cabdi Caydiid Cali ayaa maxkmadda u gudbiyay kiis ka dhan ah maqnaanshaha ganacsadahaas balse ay hadda ka laabteen dacwaddaas ka dib markii si nabad ah loo helay.
Qareenkooda, Mwaura Wakabata, ayaa warbixinta ka hor sheegay maxkamadda, taasoo markii dambe ansixisay codsiga lagu joojinayo dacwadda.
Dacwadda ayaa markii hore la gudbiyay ka dib markii la sheegay in ganacsadaha ay si qasab ah ku kaxaysteen dad aan la garanayn oo weji qarsaday agagaarka Wadada Mohammed Yusuf Haji ee aagga Eastleigh ee Nairobi.
Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin duruufaha ku xeeran afduubkiisa.