Murashaxa madaxweyne ee 2027, Eliud Owalo, ayaa soo bandhigay qorshe dib u habeyn canshuur oo ballaaran, isagoo ballanqaaday dhimista canshuuraha si loo fududeeyo nolol maalmeedka iyo in la kobciyo fursadaha dhaqaale ee dijitaalka ah.
Owalo ayaa sheegay in haddii loo doorto madaxweynaha dalka, uu canshuurta dakhliga ka dhimi doono 35 ilaa boqolkiiba 20, isagoo arrintan u arko mid muhiim u ah kordhinta dakhliga la heli karo ee muwaadiniinta. Sidoo kale, waxaa uu ballanqaaday inuu canshuurta la saaro alaabaha la soo dejiyo uu ka dhimo doono 16 ilaa 10 boqolkiiba, isagoo tilmaamay inay canshuurtaas ka mid tahay sababaha kor u qaada sicirka sarreeya ee badeecadaha.
Murashaxa ayaa sidoo kale sheegay inuu gabi ahaanba tirtiri doono cashuuraha dijitaalka, isagoo arrintan ku fasiray sidii fursad loogu siin lahaa dhallinyarada si ay u horumariyaan xirfadahooda dijitaalka iyo shaqooyinka cusub, taas oo u horseedi karta ganacsi dijitaal oo horumarsan. Owalo ayaa intaa ku daray in nidaamyada teknolojiyadda ay kaalin weyn ka qaadan karaan yareynta musuqmaasuqa, kordhinta hufnaanta, iyo dib u soo celinta kalsoonida shacabka ee dowladda.
Sidoo kale, Owalo ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in tartankiisa 2027 uu ujeedkiisu yahay inuu codadka kala qaybiyo ama u adeegto dano siyaasadeed oo dibadda ah, isagoo caddeeyay in go’aankiisa madax bannaan uu muujinayo in uusan matalin cid kale.




