Eedeysane labaad oo lagu tuhunsan yahay xatooyo baabuur oo lagu qabtay Makindu

0
463

Dambi baarayaasha Saldhigga Booliiska ee Makindu ayaa xiray Stephen Kioko, oo ah tuhmanaha labaad ee lala xiriirinayo xatooyo baabuur oo dhacday 13-ka bishan Luulyo taasoo ka dhacday waddada isku xirta Nairobi iyo Mombasa.
Xarigan ayaa daba socdaa mid hore oo ay saraakiisha ammaanka ku soo qabteen eedeeysanaha kale ee lagu magacaabo Musyoka Mutava iyo soo helida baabuur ay xadeen oo noocisa yahay Subaru Trezia oo laga soo helay xaafada Ukia ee deegaanka Makueni.
Baaritaanka la sameeyay ka dib markii la soo qabtay Mutava ayaa booliiska u horseeday Kioko oo la rumaysan yahay in uu door muhiim ah ka qaatay isku dubaridka weerarka.
Kioko ayaa haatan ku jiraa xabsiga isaga oo la filaayo in maxkamadda la soo taago oo la isku darro kiiskiisa iyo kan Mutava oo haatan hor yaalo maxkamadda.