Qof lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga daroogada ayaa lagu xiray magaalada Nairobi ka dib howlgal ay booliiska ka fuliyeen guri dabaq ah oo la sheegay in loo adeegsanayay kaydinta iyo qaybinta maandooriyaha.
Bayaan ay soo saartay Axadda maanta ah Adeegga Qarab ee Booliiska NPS ayaa lagu sheegay in saraakiil ka tirsan saldhigga booliiska South B ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Sana Sana, ka dib xog sirdoon oo muujisay dhaqdhaqaaqyo lala xiriirinayo daroogo sharci darro ah.
Booliiska ayaa gudaha u galay guriga, halkaas oo ay ku qabteen hal eedeysane oo lagu tilmaamay ajnabi ku sugnaa goobta xilliga howlgalka. Baaritaan ballaaran oo lagu sameeyay hoyga ayaa lagu helay 316 xabbo oo duuban iyo 105 baakad oo walax lagu tuhunsan yahay xashiish, iyadoo baakad kasta miisaankeedu ahaa ku dhowaad hal iyo bar garaam.
Sidoo kale, saraakiisha ayaa gacanta ku dhigeen baakado ay ku jireen budo cad oo loo maleynayo inay tahay maandooriye kale, taasoo loo diray baaritaan shaybaar si loo xaqiijiyo nooca ay tahay. Intaa waxaa dheer, waxaa la helay 34 baakad oo waraaqo lagu duubo sigaarka iyo lacago qalaad oo noocyo kala duwan ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ka soo xarooday ganacsiga sharci darrada ah.
Eedeysanaha ayaa la dhigay xabsiga halka dhammaan waxyaabihii la qabtay loo keydiyay caddeymo ahaan si loogu adeegsado baaritaanka socda iyo dacwad suurtagal ah. Adeegga Qaran ee Booliiska ayaa mar kale ku celiyay in ay xoojinayaan la dagaallanka maandooriyaha iyo dambiyada kale, iyagoo bulshada ka dalbaday inay sii wadaan bixinta xogta ka caawin karta ciribtirka ka ganacsiga daroogada dalka.




