Dufcaddii saddexaad oo ka kooban 208 askari oo ka tirsan ciidanka booliiska dalka ayaa Talaadadii dib ugu soo laabtay dalka, kadib markii ay soo dhameysteen howlgalkoodii ay ka wadeen dalka Haiti, sida ay sheegtay Adeega Qaran ee Booliiska.
Askarta ayaa soo gaaray garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen la taliyaha amniga qaranka Monicah Juma iyo taliyaha guud ee booliiska Douglas Kanja, iyagoo ay wehliyeen saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amniga.
Kooxdan ayaa qeyb ka ahayd ciidamo badan oo Kenya hoggaaminayso oo loo diray Haiti, kuwaas oo taageerayay ciidanka booliiska Haiti si loo xakameeyo kooxaha burcadda ah, loo soo celiyo amniga guud, loona ilaaliyo kaabeyaasha muhiimka ah ee dalkaas.
Intii ay halkaas joogeen, askarta ayaa ka qeyb qaateen sugidda xaruumo muhiim ah sida garoomada diyaaradaha, dekedaha, iyo waddooyinka waaweyn, iyagoo sidoo kale gacan ka geystay gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo iyo dib u dhiska hay’adaha amniga ee Haiti, oo ay ku jiraan akadeemiyadda booliiska iyo xaruumaha tababarka ciidamada.
Mas’uuliyiinta dalka ayaa ku ammaanay askarta shaqada ay qabteen, iyagoo tilmaamay inay muujiyeen xirfad, daacadnimo iyo anshax sare. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in askarta la siin doono taageero dhanka daryeelka caafimaadka maskaxda iyo la talin, si looga caawiyo la qabsiga nolosha ka dib hawlgalka, iyadoo la filayo in khibradda ay soo heleen ay ka faa’iideyn doonto howlgallada mustaqbalka.




