Dowladda oo xaqiijisay in shidaal ku filan dadweynaha la heli doono iyadoo ay jiraan xiisadaha Bariga Dhexe

0
1104

Wasaaradda Tamarta iyo Shidaalka ayaa u xaqiijisay shacabka in sahayda shidaalka dalka ay sugan tahay inkastoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, halkaas oo laga soo dejiyo inta badan shidaalka waddanka.
Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka Opiyo Wandayi ayaa sheegay in kaydka hadda jira uu ku filan yahay daboolidda baahida gudaha iyo tan dalalka deriska ah. Waxaa uu sidoo kale caddeeyay in jadwal loo sameeyay soo dejinta shidaal dheeraad ah ilaa dhammaadka April ee sanadkan, taasoo xaqiijinaysa sii socoshada sahayda.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda Bariga Dhexe, isla markaana ay wada xiriir la leedahay dalalka ay shidaalka ka soo iibsato si loo diyaariyo qorshayaal ka hortag ah oo lagu yareynayo carqalad kasta oo iman karta.
Qiimaha saliidda caalamka ayaa sare u kacay ka dib markii ay xiisadda korortay, gaar ahaan markii Iiraan ay ka digtay maraakiibta mara marinka Hormuz, oo ah marin istaraatiiji ah oo ay maraan qiyaastii boqolkiiba 20 shidaalka iyo gaaska caalamka. Haddii xannibaadda ay sii socoto ama qalalaase muddo dheer jiro, waxaa dhici karta in qiimaha shidaalka gudaha uu kordho, taasoo saameyn ku yeelan karta qiimaha badeecooyinka iyo adeegyada. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta ayaa tilmaameen in weli aysan caddayn in colaaddan ay si joogto ah u saameyn doonto qiimaha tamarta caalamka.