Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dr. Raymond Omollo, ayaa sheegay in dowladda ay qaaday tallaabooyin lagu ballaarinayo helitaanka dukumentiyada aqoonsiga qaranka, ka dib markii Madaxweyne William Ruto uu meesha ka saaray caqabado muddo dheer jiray oo hor istaagay muwaadiniin badan, gaar ahaan kuwa ku nool gobollo horey loo dayacay.
Dr. Omollo ayaa shaaciyay in la joojiyay nidaamkii hubinta dheeraadka ahaa ee adkeynayay in dadka ku nool ismaamullada Homa Bay, Siaya, Busia, Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera ay helaan kaararka aqoonsiga. Sidoo kale, dowladda ayaa meesha ka saartay lacagihii laga qaadi jiray codsiyada iyo beddelka kaararka, si muwaadiniinta ay u helaan adeeggan iyada oo aan caqabad dhaqaale jirin.
Munaasabad diiwaangelin ballaaran oo ka dhacday xaafadda Masara ee deegaanka Galbeedka Suna West ee ismaamulka Migori, ayaa soo jiidatay boqolaal qof. Dowladda ayaa sheegtay in kordhinta tirada dadka haysta kaararka aqoonsiga ay ka caawin doonto qorsheynta iyo gaarsiinta adeegyada, isla markaana kaarka aqoonsiga uu yahay furaha lagu helo kaarka codbixinta.
Bishii Febraayo 2025, Madaxweyne Ruto ayaa saxiixay go’aan lagu baabi’inayo shuruud hubin oo 60 sano jirtay oo khuseysay gobollada xuduudaha. Tallaabadan ayaa loo arkaa xeelad siyaasadeed oo la xiriirta doorashada 2027, iyadoo timid ka dib amar ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Gaarisa oo ku saabsan tirakoob cusub oo laga sameeyo qaybo ka mid ah waqooyi bari ee dalka.
Home Wararka Kenya Dowladda oo joojisay hubintii iyo lacagihii laga qaadi jiray dadka doonaaya kaararka...




