Dowladda Nyamira oo iska fogaysay eedeymo loo jeediyay

0
442

Guddoomiyaha dowlad deegaanka Nyamira Amos Nyaribo ayaa ka fogeeyay dowladdiisa inay ku lug lahayeen 33 meyd ee laga helay xabbaal wadareed laga helay ismaamulka dariska la ah ee Kericho.
Meydadkan ayaa lagu aasay Qabuuraha Makaburini ee Magaalada Kericho, isagoo sheegay in dowladiisa ay ogolaatay oo keliya in la aaso 13 meyd.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in 13 meydadka laga soo qaaday Isbitaalka Nyamira loona qaaday Kericho si loogu aaso iyadoo la raacayo habraacyada sharciga.
Guddoomiyuhu wuxuu walaac ka muujiyay warbixinnada ku saabsan meydadka dheeraadka ah, isagoo sheegay in Nyamira aysan wax war ah ka hayn 20-ka meyd ee dheeraadka ah.
33 meyd ayaa laga soo saaray xabaal wadareed ku taal Qabuuraha Makaburini, iyadoo 25 la xaqiijiyay inay yihiin carruur yaryar iyo siddeed qof oo qaangaar ah.
Barasaabka ismaamulka Nyamira ayaa cadeeyay in nin lagu siiyay lacag si uu meydadkaas u soo astruro balse loo malaynayo in wax isadaba marin uu sameeyay.