Laba duuliye oo milatari ah iyo laba ganacsade ayaa dhintay ka dib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin ciidanka ay ku dhacday suuq ku yaalla bartamaha Iiraan.
Shilka oo dhacay subaxnimadii hore ee saaka ayaa ka dhacay deegaanka Dorcheh gobolka Isfahan, halkaas oo ciidanka ay ku leeyihiin saldhig weyn oo cirka ah. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in sababta shilka loo maleynayo inay tahay cilad farsamo oo ku timid diyaaradda.
Xaruunta Tababarka Duulista ee Ciidanka ayaa magacyada askarta ku dhintay shilkan ku kala sheegtay Gaashaanle Sare Hamed Sarvazad oo ahaa duuliyaha iyo Kaaliyihiisa Gaashaanle Mojtaba Kiani.
Sidoo kale, laba qof oo ganacsato ahaa kana shaqeynayay meheradooda suuqa ayaa ku dhintay goobta. Xaruunta ciidanka ayaa sheegtay in sababta shilka weli baaritaan lagu hayo, halka madaxa garsoorka ee deegaanka, Asadollah Jafari, uu isna furay dacwad islamarkaana diray baarayaal.




