Digniin culus oo loo diray Dadka degan meelaha u dhaw biyo-xireenka Nairobi

0
268

Dadka degan meelaha u dhaw biyo-xireenka Nairobi ayaa la geliyay feejignaan sare oo ku aaddan khatarta daadadka ee soo socota sababtoo ah heerarka biyaha oo sii kordhaya.
Hay’adda Kheyraadka Biyaha ayaa soo saartay ogeysiis taxaddar leh oo ay ugu baaqayso boqolaal qof oo goobahaas deggan kuwaas oo loogu baaqay inay si degdeg ah u guuraan.
Heerarka biyaha ee biyo-xireenka Nairobi ayaa si khatar ah u sii kordhaya ka dib roobab xooggan oo ka da’ay Nairobi iyo qaybo kale oo dalka ah.
Boqolaal qof oo degan ama ka shaqeeya meelaha wabiyada Nairobi ayaa looga digay masiibo soo socota.
Waxaana dadka lagula taliyay inay u guuraan meelo ammaan ah.
Meelaha la aqoonsaday inay halis ku jiraan waxaa ka mid ah Kibera, , Lang’ata, South C, Mbagathi Way, iyo Madaraka.
Guddoomiyaha Nairobi Johnson Sakaja ayaa ku baaqay in la raro dadkaas si looga hortago dhibaatada.
Guddoomiye Sakaja ayaa uga digay siyaasiyiinta inay siyaasadeeyaan digniinaha, xitaa iyadoo tirada dadka ku dhintay daadadka dalka oo dhan ay gaartay 83.