Tirada dhimashada ka dhalatay daadad xooggan oo ka dhacay Nairobi ayaa gaartay 27, iyadoo dhimashadu ay ku jiraan laba carruur ah iyo saddex dumar ah.
Guddoomiyaha amniga u qaabilsan Galbeedka Nairobi Rose Chege ayaa sheegtay in inta badan meydadka la soo helay ilaa hadda aan la aqoonsan oo ay mari doonaan baaritaanno.
Waxay ku boorrisay qoysaska raadinaya qaraabadooda ka maqan inay booqdaan qolalka meydadka ee Magaalada Nairobi si ay u aqoonsadaan.
Mas’uuliyiintu waxay ka codsadeen qof kasta oo leh xubno qoys ama asxaab ah oo ku maqan daadadka inay soo wargaliyaan iyadoo howlaha samatabbixinta iyo soo kabashada ay sii socdaan.
Sida laga soo xigtay Waaxda Saadaasha Hawada ee Kenya (KMD), Nairobi waxay diiwaan gelisay qaar ka mid ah wadarta roobabkii ugu badnaa bilihii la soo dhaafay, taasoo buux dhaafisay nidaamyada biyo-mareenka waxayna ka dhigtay xaafado badan inay biyuhu qariyaan.
Guud ahaan dalka oo dhan Tirada dhimashada eek a dhashay fatahaadaha ayaa gaartay 43 qof iyadoo ugu yaraan 16 ismaamul ay saameyn soo gaartay.
In ka badan 50,000 oo qof ayaa ku barakacay guud ahaan dalka,”sida uu sheegay Dr. Ahmed Idris, Xoghayaha Guud ee Laanqeyrta Cas ee Kenya.




