Tirada dadka ku dhintay fatahaadaha dalka ayaa gaartay 85 qof, ka dib markii laba carruur ah ay ku dhinteen dhul go’ ka dhacay deegaanka Kitende ee ismaamulka Makueni.
Dhacdadan ayaa imaneysa iyadoo boqollaal qof ay qiyaas ahaan la kulmeen khasaaro ka dhashay fatahaadaha meelo kala duwan oo dalka ka mid ah.
Wasiirka Deegaanka, Deborah Barasa, ayaa dadka ku nool meelaha halista ah ku wargelisay inay u guuraan deegaanada ammaanka ah inta lagu jiro xilliga roobka.
Qaar ka mid ah dadka ay dhibaatada saameysay oo warbaahinta la wadaagay dareenkooda ayaa waxaa hadaladooda ka mid ahaa.




