DHEGEYSO:Qoysas dalbanaya caddaalad ka dib dilal ka dhacay isu soo baxyada Linda Mwananchi

0
395

Laba qoys oo ay dadkooda ku dhinteen isu soo baxyada siyaasadeed ee Linda Mwananchi ee ka dhacay magaalada Kitengela ee dowlad deegaanka Kajiado iyo Mbale ee ismaamulka Vihiga ayaa dalbanaya caddaalad. Qoyska Vincent Ayomo, oo lagu toogtay aagga Kitengela, ayaa ku baaqay in booliiska ka jawaabaan mas’uuliyadda iyo duruufaha geeridiisa. Sidoo kale, qoyska George Olande ee Kisumu ayaa raadinaya in mas’uuliyiinta lala xisaabtamo iyo in caddaalad la gaaro ka dib dilka xubin ka mid ah qoysaskooda oo ka dhacday deegaanka Mbale.