DHEGEYSO:Mudanaha Mvita oo sheegay in uunan dhisi doonin dugsiyo cusub

0
437

Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Mvita ee ismaamulka Mombasa Maxamad Soud Machele ayaa sheegay in uunan dhisi doonin dugsiyo cusub balse uu taasi beddelkeeda dayactiri doono xarumihii horay u shaqeynayay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in marka loo barbardhigo deegaannada kale ee Mombasa, in deegaanka Mvita uu leeyahay dugsiyo ku filan ardayda.
Xildhibaanka ayaa xusay inuu mudnaan siin doono wanaajinta kaabayaasha dugsiyada Mvita ka dhisan si ardayda ay wax ugu bartaan jewi deggan.