Madaxweynaha dalka William Ruto, ayaa ku dhawaaqay hirgelinta mashaariic cusub oo lagu xoojinayo tirada kalluunka ee Harada Victoria, isla markaana lagu hagaajinayo badqabka kalluumaysatada ka howlgasha haradaas. Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshayaashan ay qeyb ka yihiin dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo dhaqaalaha bulshooyinka ku tiirsan kalluumaysiga, gaar ahaan ismaamullada ku teedsan harada.
Mashaariicdan ayaa diiradda saaraya taranta iyo sii deynta kalluunka si loo kordhiyo keydka dabiiciga ah, iyadoo sidoo kale la hirgelinayo tallaabooyin lagu xakameynayo kalluumaysiga sharci darrada ah. Sidoo kale, dowladda ayaa qorsheynaysa inay qalab casri ah siiso kalluumaysatada, si loo yareeyo khataraha ay la kulmaan marka ay ku sugan yihiin biyaha harada, isla markaana loo hubiyo badqabkooda.
Dhanka kale, saraakiisha ammaanka iyo hay’adaha la xiriira kalluumaysiga ayaa lagu amray inay adkeeyaan kormeerka iyo ilaalinta harada, si loo hubiyo in la dhaqan geliyo sharciyada jira. Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in iskaashiga u dhexeeya dowladda, ismaamullada, iyo bulshada deegaanka uu muhiim u yahay guusha mashaariicdan, isagoo ku boorriyay kalluumaysatada inay la shaqeeyaan hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Madaxweyne Ruto oo ku dhawaaqay mashaariic lagu kordhinayo kalluunka Harada Victoria, laguna...




