Waxaa la filayaa in madaxweynaha dalka Dr. William Ruto uu maanta gaaro dowlad deegaanka Kakamega ee gobolka Galbeedka si uu halkaasi uga daahfuro mashaariic horumarineed.
Socdaalka madaxweynaha ayaa ka billaban doono deegaanka Butere oo laga furaya isbitaalka heerka afaraad ka hor inta uunan u sii gudbin Malava si uu u hirgeliyo machadka tababarka culuunta caafimaadka ee KMTC ee deegaankaasi.
Sidoo kale , waxaa uu mashaariic dhanka waddooyinka iyo gaadiidka ah ka daahfuri doonaa deegaannada Lugari iyo Shinyalu ee ismaamulka Kakamega.
Qaar ka mid ah shacabka ku nool deegaan baarlamaneedka Butere ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.




