Wakiillo ka socday Jaamacadda Umma ayaa kulan wacyigelin ah ka qabtay ismaamulka Wajeer, iyagoo shacabka iyo ardayda uga warbixiyay fursadaha waxbarasho ee jaamacadda.
Kooxda ayaa soo bandhigeen barnaamijyo kala duwan, waxaayna ka caawiyeen ka qaybgalayaasha habka codsiga, isla markaana xoogga saareen faa’iidooyinka ay leedahay waxbarashada sare. Kulanka ayaa soo jiitay dhallinyaro badan oo si firfircoon uga qayb qaatay, su’aalo weydiinay, kuna muujiyeen xiisaha ay u qabaan horumarinta waxbarashadooda.
Howlgalka noocan ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo loona taageerayo ardayda Wajeer si ay u qaataan waxbarashada sare isla markaana u dhisaan mustaqbal ifaya.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta jaamacadda oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa hadaladooda ka mid ahaa.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Jaamacadda Umma oo Wajeer ku qabatay kulan wacyigelin ah oo ardayda loogu...




