DHEGEYSO:Isbitaalka Kenyenya oo la xiray ka dib markii dadka deegaanka ay ka cabteen geerida hooyo ku geeriyootay xaruuntaas caafimaad

0
412

Isbitaalka Kenyenya ee deegaanka Bomachoge Borabu ayaa waqti aan la cayimin la xiray ka dib markii dad careysan ay weerar ku qaadeen xaruunta caafimaad iyagoo dalbanaya faahfaahin ku saabsan geerida hooyo uur leh oo ku geeriyootay isbitaalkaas.
Booliiska ayaa iska horimaad yar ka dib ku guuleeystay inay soo badbaadiyaan shaqaalaha caafimaadka oo ku jiray xaalad culeys iyo cabsi intii uu socday isku dhaca.
Ururada caafimaadka ayaa sidoo kale sheegay inay bilaabi doonaan inay ka baxaan isbitaalka, iyagoo ka digaya khataro iyo xaalad amni darro oo ka jirta goobta.
Xiritaanka isbitaalka ayaa saameyn weyn ku yeeshay adeegyada caafimaadka ee degmada, iyadoo dadka deegaanka ay la kulmayaan caqabad ku saabsan helitaanka daryeel caafimaad oo degdeg ah.
Mas’uuliyiinta caafimaadka iyo booliiska ayaa ku howlan sidii xaaladda loo dejin lahaa, isla markaana loo hubin lahaa in adeegyada caafimaadka loo furo bulshada si ammaan ah.