DHEGEYSO:Hoggaamiyeyaasha UDA oo taageeray Kindiki inuu noqdo musharaxa ku xigeenka madaxweynaha 2027-ka

0
396

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Abraham Kithure Kindiki iyo hoggaamiyeyaasha xisbiga UDA ayaa si adag u difaacay doorashadiisa, iyagoo ku adkeeyay inuu yahay musharaxooda aan la murmin ee madaxweyne ku xigeenka doorashada soo socota, inkastoo ay sii kordhayaan xiisaha iyo taageerada xisbiga ODM ee kursigaas.
Wasiirka caafimaadka dowladda, Aadan Barre Ducaale, oo ka hadlay magaalada Gaarisa, ayaa dhankiisa sheegay in guulaha UDA ka gaartay doorashooyinkii ku celiska ahaa ee dhacay Khamistii ay yihiin tusaale muujinaya in shacabka ay la safan yihiin dowladda madaxweyne Ruto.
Ducaale ayaa tilmaamay in guulahaas ay digniin u yihiin kuwa ka soo horjeeda xisbiga, isaga oo caddeeyay in UDA ay sii wadi doonto xoojinta taageerada iyo joogtaynta awooddeeda siyaasadeed.
Hoggaamiyeyaasha UDA ayaa sidoo kale ku baaqay in la ixtiraamo doorashada ay sameeyeen xubnahooda, iyagoo ku adkeeyay in Kindiki uu yahay hoggaamiye la isku raacsan yahay inuu u qalma xilka ku xigeenka.