DHEGEYSO:Hay’adda Adeegga Kaymaha Kenya oo iskaashi la samaysay bulshada kaymaha Gonja ee Kwale

0
374

Hay’adda Adeegga Kaymaha Kenya (KFS) oo kaashanaysa xubnaha bulshada kaymaha Gonja ee ku nool aagga Lungalunga ee Kwale ayaa bilaabay qorshe ka-qaybgalin ah oo lagu maamulayo kaymaha iyo ilaalintooda.
Ku-simaha Ku-xigeenka Madaxa Ilaalinta Kaymaha, Francis Kariuki, ayaa sheegay in qorshaha kaynta 845-ta hektar ah uu hiigsanayo in loo awoodsiiyo bulshada deegaanka si ay u ilaaliyaan kaynta ugana helaan dakhli.