Hal qof ayaa dhintay, 8 kalena way dhaawacmeen ka dib shil gaari oo ka dhacay Valley Road,ee Nairobi, subaxnimadii Isniinta.
Shilka waxaa ku lug lahaa darawalkii baska City Shuttle kaasi oo lumiyay xakamaynta baska isagoona ku dhacay dad kale oo wadada mashquulka badan marayay.
Darawalkii, oo ka baxsaday goobta shilka, ayaa la sheegay inuu rakaabka uga digay cillad biriig ah ka hor shilka.
Booliisku waxay yimaadeen goobta si ay u sameeyaan hawlgallo samatabbixin ah iyadoo dadkii dhaawacmay loo qaaday isbitaalka.




