Barasaabka dowlad deegaanka Kakamega Fernandes Barasa ayaa ku booriyay Waaxda Dambi Baarista dalka ee (DCI) in ay tallaabo ka qaadaan hoggaamiye ku xigeenka xisbiga Democracy for Citizens Party (DCP), Cleophas Malala, oo lagu eedeeyay in uu faafiyay hadalo sumcad dil ah oo isaga ka dhan ah.
Isagoo ka hadlayay munaasabad dadweyne Sabtidii shalay ahayd madaxa maamul goboleedka Kakamega ayaa ku andacoodey in Malala uu wado olole dhanka internetka ah kaas oo ku saabsan in barasaabka uu ku lug lahaa afduubyo ka dhacay ismaamulka. Sida uu sheegay guddoomiyaha, DCI-da ayuu faray in ay sidoo kale billaabaan baaritaan lagu ogaanayo sheegashada Malala, haddii lagu helo mid sharci ah, waa in dambi baarayaasha iyo hay’adaha kale ee ammaanka ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo loo arko in ay mas’uul ka tahay afduubka.
Barasa, ayaa ku andacooday in sheegashada Malala ay tahay istratajiyad uu ku raadsanaayo kursiga guddoomiye nimo ee ismaamulka Kakamega.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Fernandes Barasa oo ugu baaqay DCI inay tallaabo ka qaado Cleophas Malala




