DHEGEYSO:Dowlada Kericho oo iska fogaysay eedeymo ka dhan ah xabbaal wadareedyo la helay

0
244

Booliska ayaa bilaabay baaritaan ka dib markii la soo tabiyay in 14 meyd lagu aasay hal xabaal oo ku taal agagaarka Makaburini ee Kericho.
Meydadka ayaa la sheegay in si qarsoodi ah loogu aasay aagaas subaxnimadii Jimcaha.
Dowladda Kericho ayaa beenisay inay wax lug ah ku lahayd dhacdadan halka dadka deegaanka ay dalbanayaan in dowladda lala xisaabtamo.

Baarsaabka ismaamulka Kericho Eric Mutai ayaa sheegay in meydadkaas la tuhunsan yahay in la keenay dowlad deegaanka dariska la ah ee Nyamira.

Ciidamada dambi baarista oo wada baaritaan oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in ay sugayaan amar maxkamadeed si loo soo saaro meydadkaas.