DHEGEYSO:Amniga magaalada Nanyuki oo si weyn loo adkeeyay

0
487

Magaalada Nanyuki ayaa ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay maanta iyadoo dadka deegaanka ay dhigayaan mudaaharaadyo ay kaga cabanayaan geerida Julia Wangui Kariuki oo 24 jir ahayd xilli ay xabsiga ku jirtay ayaa la sheegay in jirdil loo gaystay ay u geeriyootay.
Dadka deegaanka Nanyuki ayaa cadaalad u raadinaya Julia ,xili ciidamo badan maanta lagu arkayay wadooyiinka magaaladaas,iyadoo laga cabsi qabo dibadbaxyo rabshado wata in ay dhacaan.
Waxaa la xiray mudaaharaadyadii Saba Saba waxaana markii hore lagu hayay Saldhigga Booliska Nanyuki ka hor inta aan loo gudbin xabsiga Haweenka Nanyuki ka dib markii ay ku guuldareysatay in ay dammaanad ka hesho maxkamadda.
Qoyska haweeneydaas oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixinaya sida ay wax u dhaceen iyo dhibka loo gaystay Juli.

Dhanka kale qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa cambaareeyay dhacdadan.